Home Wararka Ciyaaraha Waxa uu ku Wajahanyahya Kooxda Barcelona, N’Golo Kante oo Aqbalay Heshiiska Kooxda...

Waxa uu ku Wajahanyahya Kooxda Barcelona, N’Golo Kante oo Aqbalay Heshiiska Kooxda Barca

0

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea N’Golo Kante ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday inuu heshiis horudhac ah u saxiixo Barcelona bisha Janaayo.

31-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa Stamford Bridge wuxuu dhacayaa bisha June ee soo socota, waxaana si weyn loo filayaa inuu si xor ah uga tago Blues isagoo raadinaya koox Cusub.

Kante ayaa kaliya seddex kulan u saftay Chelsea xilli ciyaareedka 2022-23, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu maray qaliin muruqa ah bartamihii bishii October si uu wax uga qabto dhaawac hareeyay

Laacibka reer France uma badna inuu garoomada ku soo laabto ilaa bisha Febraayo, laakiin waayihiisa Blues ayaa u muuqda mid sii dhamaanaya, iyadoo labada dhinacba la sheegay inay doonayaan inay u dhaqaaqaan sanadka soo socda.

Sida laga soo xigtay Sport , Kante waxaa ka go’an inuu heshiis horudhac ah u saxiixo Barcelona bisha Janaayo, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu ku cadaadinayo kooxda Catalan inay heshiis miiska soo saarto.

Previous articleHambalyo Walal ” Xidig Neymar oo Fariin Qiiro leh u diray Saxiibkiisa Messi
Next articleSaddex Xidig oo Heshiiska u kordhinaya Kooxda Arsenal, Magacyadooda oo Warbaahinta loo soo gudbiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here