”Waxaan ka hadli karaa Ziyech” Tababaraha Holland Van Gaal oo Saxafi ka yaabsaday Markii Su’al la Waydiiyay

Tababarihii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Netherlands Louis van Gaal ayaa ammaanay weeraryahankii Chelsea ee Hakim Ziyech .

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Moroccan, oo wacdaro ka dhigay Koobka Adduunka, ayaa ka caawiyay xulkiisa inay gaaraan sideed dhamaadka, islamarkaana ay ballan la yeeshaan Portugal ka dib markii ay rigoorayaal kaga badiyeen Spain.

Ziyech, oo lala xiriirinayay inuu dib ugu laabanayo Ajax , ayaa amaan ka helay macalinka reer Holland Van Gaal.

Mar wax laga weydiiyay macalinka Morocco Walid Regragui, van Gaal ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Hagaag, ma xukumi karo [Macallinka laga ceyriyay Spain] Luis Enrique , mana xukumi karo mana qiimeyn karo tababaraha Morocco [Regragui].

“Laakiin su’aasha kale waxaan kaga jawaabi karaa tusaale ahaan Ziyech, waxa uu tababar ku qaatay Netherlands, Ziyech waa ciyaaryahan cajiib ah.

“Waxa uu wax weyn ku soo kordhinayaa kooxda Morocco, ka hor inta uusan tababaraha cusub imaan, lama ciyaarin, marka taasi waxay wax ka sheegeysaa tababaraha.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*