Home Warka Xiisaha Leh “Waxaanu samayn doonaa waxkasta” Madaxweynaha Barca Oo Qishkii Ugu Weynaa Xalay Bixiyay

“Waxaanu samayn doonaa waxkasta” Madaxweynaha Barca Oo Qishkii Ugu Weynaa Xalay Bixiyay

0
Ad

Kaddib hanashadoodii xalay ee horyaalka La Liga, madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa xogtii ugu muhiimsanayd ka bixiyay wararka la xidhiidhinaya kabtankoodii hore ee Lionel Messi.

Leo ayaa la filayaa inuu iskaga tago PSG marka heshiiskiisa halkaasi idlaado xagaaga. Inuu ku laabto Barcelona ama inuu heshiis lacag badan ah kaga dego horyaalka Saudi Arabia ayaa labaduba macquul ah.

Ad

Caqabada dhaqaale ee Barcelona haysata ayaa ka dhigan inay ku qasban tahay kooxdaasi inay dhaq-dhaqaaq badan samayso si ay u suurogaliso heshiis uu 35 sano jirkaasi ugu soo laabanayo Camp Nou.

Sida ay warbaahinta qaar sheegayaan, Barca ayay tahay inay 180 Milyan oo euro oo mushaharka ay bixiso ah dhinto si ay saxeexyo waaweyn u awoodo.

Joan Laporta oo xalay u xaqiijiyay Barcelona horyaalka La Liga afar sano kaddib ayaa yidhi hadal weyn oo ah inay waxkasta u samayn doonaan sidii ay Messi xagaaga usoo celin lahaayeen.

“Waxaanu samayn doonaa waxkasta oo aanu awoodno si aanu Leo Messi ugu soo celino Barcelona” ayuu yidhi madaxweyne Laporta.

“Durba waxaanu ka shaqaynaynaa kooxdayada sanadka dambe, waxaanu rajaynaynaa inaanu awoodno inaanu xoojino kooxda”.

Dhinaca kale Laporta ayaa macalin Xavi Hernandez si gaar ah ugu amaanay guusha kooxdu ka keentay La Liga oo uu haatan macalin ahaan iyo ciyaartoy ahaanba ku qaaday.

Previous articleArsenal Oo Laf-Dhabar Kale Ka Doonaysa Man City
Next articleHORDHAC: Leicester v Liverpool –ee Horyaalka Premier League,Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here