Home Wararka Ciyaaraha Waxay Sacuudiga ugu Ciyaarayaan Koobka Spanish Super Cup Inay Lacag ka Sameeyaan,...

Waxay Sacuudiga ugu Ciyaarayaan Koobka Spanish Super Cup Inay Lacag ka Sameeyaan, Lacagaha oo la Shaaciyay

0
Ad

Afar kooxood oo reer Spain ah ayaa ku sugan waddanka Sucuudiga oo ay kaga qayb-gelayaan tartanka  Spanish Super Cup, kaas oo markii afraad oo xidhiidh ah lagu qabanayo waddanka Boqortooyada Sucuudiga.

Shaki kuma jiro in lacago badan la siinayo kooxaha, laakiin xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa sannadihii ugu dambeeyey lagu eedaynayay sababta uu tartankan u geeyey Sucuudiga oo ah il-dhaqaale oo waliba la tuhunsan yahay in musuqmaasuq uu ku jiro.

Ad

Xidhiidhka kubadda cagta cagta Spain ayaa la sheegay in ay €40 milyan oo Euro helaan sannad kasta, waxaana inteeda badan loo qaybin doonaa afarta kooxood.

Caadiyan, waxa kooxuhu u kala lacag badnaanayaan sida ay ugu kala wanaagsan yihiin tartanka, waxaana  u badsanaysa kooxda ku guuleysata koobka, iyadoo sidoo kalena heerka kala-sarraynta qiimaynta kooxaha loo kala  badsanayo.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa la sheegay in ka-qaybgalka tartankan ay mid walba ku helayso €6 milyan oo Euro, halka Valencia la siin doono €1.7 milyan oo Euro iyo Real Betis oo ugu hoosaynaysa oo €750,000 Euro loo shubayo.

Arrinta kale ee loogu kala badsanayo lacagta ayaa waxay tahay saamiga ay kooxahani ku leeyihiin xuquuqda baahinta akulamadooda. Real Betis waxay leedahay 12.5% xuquuqda baahinta telefishannada marka loo eego Real Madrid iyo Barcelona.

Previous articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Arbaco Ah 11-da January
Next articleHugo Lloris oo ka Waramey Qaabka Benzema looga Ceyriyay Xulka France ” Wax Walbo waxay ku Dhaceen”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here