Home Warar Ciyaaraha Maanta Wayne Rooney oo qirtay inuu jeclaan lahaa inuu u ciyaaro Celtic intii...

Wayne Rooney oo qirtay inuu jeclaan lahaa inuu u ciyaaro Celtic intii uu ku guda jiray xirfadiisa kubada cagta

0

Wayne Rooney ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa inuu u ciyaaro Celtic intii uu ku guda jiray xirfadiisa kubada cagta, ka dib markii uu laad xor ah oo cajiib ah ka dhaliyay ciyaar tabarucaad ah.

Rooney ayaa ka soo muuqday Manchester United iyadoo 5-4 rigoorayaal ah ay ku garaacday Celtic ka dib ciyaartii samafalka ahayd ee ku dhamaatay 1-1, iyadoo Gary Hooper uu dhaliyay goolka barbaraha.

Ka hor inta aysan ciyaarta bilaaban Rooney ayaa loo soo bandhigay maaliyada kooxda Celtic oo lagu sharfay.

“Ma hubo in ay i lekaan karto”ayuu Rooney ku kaftamay.

“Aad ayaad u mahadsantihiin, waxa aan maaliyada dhigan doonaa gurigayga”ayuu sii raaciyay.

“Celtic mar walba waa kooxda aan daawan jiray mar walbana aan jeclaa in ay badiso”.

“Nasiib daro nasiib uma helin in aan u ciyaaro Celtic laakiin waxa aan jeclaa qayb xirfadada ka mid ah in aan ku qaato kooxdan laakiin may dhicin”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here