Weerar yahanka kooxda Real Madrid ee Benzema oo ka hadlay Guusha ay ka gaareen Barcelona

Weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema ayaa qirtay inuu ku riyaaqay guushii semi-finalka Supercopa de Espana ee ay ka gaareen Barcelona .

3-2 ay ku badiyeen ayaa Timid waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta,iyadoo Benzema uu shabaqa soo taabtay.

Markii dambe wuxuu yiri: “Aad ayaan u faraxsanahay, waxaana dareemayaa sharaf weyn, taageerayaashu aad ayay ii caawiyee , waxay isiiyaan kalsooni dheeraad ah iyo awood aan ku sameeyo waxa aan ku sameeyo gudaha garoonka, waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo dhammaan taageerayaasha halkaan jooga.

“Ma garanayo in Madrid ay tahay kooxda ugu fiican Yurub. Laakiin waxa aan kuu sheegi karo ayaa ah in Madrid ay tahay kooxda ugu fiican adduunka. Laakiin waa inaan koobab ku guuleysanaa si aan u noqono kuwa ugu sarreeya.

“Ma aqaano inay ahayd tii ugu weyneyd (El Clasico), laakiin waxay ahayd mid ka mid ah kuwa ugu xamaasada badnaa sababtoo ah waxay socotay ilaa dhamaadkii. 

Runtii waxay ahayd ciyaar muhiim ah sababtoo ah Barcelona waa koox adag oo kubbada gacanta ku haysa, laakiin waxaa jira kulamo badan oo Clásico ah, kulankani wuxuu ahaa mid aad u fiican sababtoo ah hadda waxaan joognaa finalka, laakiin ma garanayo inay tahay tii ugu weynayd. “

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*