Home Wararka Ciyaaraha Weerar yahanka Liverpool Mane oo diirada saaray kooxda Bayern Munich halkii uu...

Weerar yahanka Liverpool Mane oo diirada saaray kooxda Bayern Munich halkii uu ku biiri lahaa PSG

0

Weeraryahanka Liverpool Sadio Mane waxaa ka go’an inuu u dhaqaaqo Bayern Munich xagaagan.

BILD ayaa sheegaysa in Mane uu diidi doono qandaraaska sare ee Paris Saint-Germain si uu ugu biiro Bayern Munich xilli uu ku sii dhawaanayo inuu ka tago Liverpool xagaaga.

Xiddiga reer Senegal ayaa si xoogan loola xiriirinayay in uu isaga tagi doono Anfield xilli uu doonayo in uu bilaabo cutubka xiga ee xirfadiisa ciyaareed.

Liverpool ayaa la rumeysan yahay inay qiimo ku dhow 42.5 milyan ginni dul dhigtay Mane, kaasoo hal sano uga harsan yahay qandaraaskiisa haatan ee Anfield – wax yar ayuu ka sarreeyaa 35 milyan ginni markii hore.

Mane ayaa doorbidaya inuu xiddig ka noqdo kooxda Bundesliga ka dhisan, kaasoo qarka u saaran inuu lumiyo weeraryahan Robert Lewandowski xagaaga, halkii uu ku biiri lahaa magacyo caan ah oo ka tirsan PSG ama Real Madrid .

PSG ayaa u soo bandhigtay Mane heshiis ka fiican laakiin waxa uu xiiseeyaa u dhaqaaqista Bayern.

Previous articleReal Madrid oo qarka u saaran inay Chelsea ku garaacdo goolhayaha Chicago Fire ee Gabriel Slonina
Next articlePSG oo ka fiirsaneysa inay dalab ka gudbiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Naby Keita

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here