Home Warar Ciyaaraha Maanta Weeraryahan Kingsley Coman Oo Isha Ku Haaya Inuu U Dhaqaaqo Arsenal.

Weeraryahan Kingsley Coman Oo Isha Ku Haaya Inuu U Dhaqaaqo Arsenal.

0

Arsenal ayaa rajeyneysa inay sii wadato ganacsigeeda suuqa kala iibsiga xagaagan iyadoo seddex isbuuc oo kaliya ay ka harsan tahay suuqa kala iibsiga.

Gunners ayaa ku guuleysatay inay si joogta ah ula soo saxiixato David Raya xagaagan iyadoo sidoo kale dhameystirtay u dhaqaaqista Riccardo Calafiori oo ka yimid Bologna.

Kooxda Waqooyiga London ayaa raadineysa wax badan oo dheeri ah iyadoo tababare Mikel Arteta uu isku diyaarinayo kooxdiisa mar kale inay kula dagaalanto Manchester City hanashada horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa qorsheynaysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Bayern Munich Kingsley Coman.

Kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich ayaa xiisaynaysa in laacibku uu ka tago kooxda xagaagan.

Waxay xagaagan kala soo wareegeen Michael Olise Crystal Palace kaasoo la filayo inuu boos ka helo garabka midig.

Imaanshihiisa ayaa albaabada u furay Coman inuu ka tago kooxda laakiin Bayern ayaa raadineysa heshiis amaah ah oo ay ku jirto ikhtiyaar ama waajibaad ay ku iibin karaan ciyaaryahanka.

Warbixinta ayaa sheegeysa in ciyaaryahanka uu aad u xiiseynayo u dhaqaaqista Arsenal oo uu qeyb ka noqdo kooxda Arteta ee tartanka horyaalka.

Si kastaba ha ahaatee, Coman wuxuu doonayaa inuu raadiyo dammaanad ku saabsan waqtigiisa ciyaaraha ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here