Weeraryahanka Borussia Dortmund Haaland oo murugo ku tilmaamay ku biirista Sancho ee Man Utd

Weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Haaland ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa joogitaanka xidiga Jadon Sancho in uu sii joogo kooxda .

Sancho ayaa ka tagay Dortmund kuna biiray Manchester United kaasi oo ahaa heshiiska muhiim u ah kooxda .

Haaland ayaa qirtay inuu ka xun yahay inuu arko Sancho oo ka tagaya kooxda, laakiin wuxuu rumeysan yahay inay kooxdu leedahay awood weerar oo ku filan oo ay kula qabsato maqnaanshihiisa.

“Aniga iyo Jadon waxaan si dhab ah u yeelanay isfaham, isagu waa ciyaartoy sarre waana murugo inuu baxay, laakiin taasi waa kubbadda cagta,” ayuu Haaland ka yiri xerada tababarka ee xilli ciyaareedka ka hor Dortmund.

“Waxaa jira dhowr ciyaartoy oo kale oo aan si fiican ula shaqeeyo, xitaa way ka sii fiicnaan kartaa, kaliya waa inaan aragnaa qofka aan sida ugu fiican ula shaqeeyo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*