Home Horyaalka Ingiriiska Weeraryahanka Chelsea Olivier Giroud oo loo soo bandhigay Real Madrid.

Weeraryahanka Chelsea Olivier Giroud oo loo soo bandhigay Real Madrid.

0
Photo/Reuters

Weeraryahanka kooxda Chelsea Olivier Giroud ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay kooxda ka dhisan La Liga ee Real Madrid suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Giroud ayaa lala xiriirinayay kooxo dhowr ah muddooyinkii ugu dambeeyay ka dib markii uu ku guuldareystay inuu boos joogto ah ka helo kooxda Frank Lampard .

Sida laga soo xigtay Defensa Central , Giroud ayaa isha ku haya inuu ka tago Stamford Bridge marka qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan iyo in wakiilkiisa uu ka shaqeynayo daaha gadaashiisa si uu macmiilkiisa ugu helo koox cusub, iyadoo Real Madrid ay tahay halka koox oo uu weydiistay.

Real Madrid uma badna inay raadiso heshiiska 34 jirkaan madaama aysan raadineynin inay la soo saxiixdaan weeraryahan bishaan, xitaa ka dib markii ay u ogolaadeen Luka Jovic inuu ku laabto Eintracht Frankfurt horaantii suuqa.

Los Blancos ayaa doorbideysa inay sugto ilaa xagaaga isla markaana bartilmaameed ka dhigato da ‘yar sida Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ama kan Boussia Dortmund Erling Braut Haaland .

Giroud, oo kaga soo biiray Blues kooxda ay xafiiltamaan ee Arsenal bishii Janaayo 2018, ayaa dhaliyay sagaal gool 17 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here