Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah hadal weyn ka yidhi mustaqbalkiisa isaga oo sheegay in ay u badantahay in uu baxayo marka loo eego in uu heshiis cusub u saxiixayo kooxda.
Ma ahan wax qarsoon in xiddiga 2-da gool dhaliyay kulankii Southampton uu heshiiskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan walina uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda.
Inkasta oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa hadana Salah ayaa wali sii wada qaab ciyaareedka fiican isaga oo dhaliyay 12 gool 10 kalena caawiye ka noqday tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Salah oo mustaqbalkiisa ka hadlaya ayaa yidhi”Wali wax heshiis cusub ah la iima soo bandhigin, aniga gacantayga kuma jirto”.
“Waxaan ku dhownahay bisha December, welina ma helin wax dalab ah si aan u sii joogo kooxda, waxa ay u badantahay in aan baxayo marka loo eego in aan heshiis cusub saxiixo”ayuu sii raaciyay.
“Waad ogtahay in aan halkan joogay sanado badan”.
“Ma jirto koox sidan oo kale ah, laakiin ugu dambeyntii kuma jirto gacantayda, sidaan horay u sheegay, waa December, welina ma helin wax ku saabsan mustaqbalkayga, waan jeclahay taageerayaasha, taageerayaashu way i jecel yihiin. aakhirka kuma jirto gacmahayga ama taageerayaasha aan sugno oo aragno”.