28 jirkaan ayaa markale la baaray Arbacadii, iyadoo xiriirka kubada cagta Masar ay xaqiijiyeen in isaga iyo Mohamed Elneny ay wali qabaan coronavirus.
Mohamed Salah ayaa laga qaaday tijaabo kale oo ‘Covid-19’, sida ay xaqiijiyeen Xiriirka Kubadda Cagta ee Masar, taasoo la micno ah inuu sii wadi karantiilka uu ku jiro.
Xiriirka kubada cagta Masar ayaa ku dhawaaqay bishii Nofeembar 14 in xiddiga Liverpool , oo aan ka muuqan astaamaha cudurka, laga baaray coronavirus inkastoo jahwareer hore uu ka dhashay natiijadii baaritaanka.
warbaahinta gudaha qaar ayaa baahisay in aanan leesku haleen karin natiijada xidigan laga soo saray marka la eego goobta uu ku sugan yahay.