Weeraryahanka Man Utd ee Elanga oo looga yeeray Qaranka Sweden

Weerar yahanka kooxda Manchester United Anthony Elanga ayaa markii ugu horeysay looga yeeray xulka qaranka Sweden.

19 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa ahaa mid naadir ahaa xilli ciyaareedkan Kooxda Manchester United waxana Xili Ciyaareed niyad jab leh uu ku qaatay Old Trafford, isagoo dhaliyay seddex gool 18 kulan oo uu saftay.

Elanga ayaa gool ka dhaliyay Atletico Madrid seddex isbuuc ka hor, waxaana uu ku soo bilowday talaadadii lugtii labaad ee wareega 16ka ee guul darada ka soo gaartay kooxda Isbaanishka, waana markii ugu horeysay ee Sweden looga yeero.

Ilaa hadda waxa uu ka mid yahay xulka 21 jirada, waxa lagu daray kooxda Janne Andersson ee ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka ee bishan.

“Waxaan si dhow ula soconay Anthony, waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan marka uu ku jiro xulka 21 jirada iyo kooxdaba,” ayuu yiri tababaraha Sweden. “

Elanga aabbihiis Joseph wuxuu u ciyaaray Sweden isagoo u ciyaara Malmo wuxuuna matalay Cameroon, oo ay ku jirto inuu tagay Koobkii Adduunka 1998

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*