
Weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford ayaa rajeynaya xilli ciyaareed adag oo uu hogaaminayo tababaraha cusub Erik ten Hag .
Rashford, oo la filayo inuu sii joogo Old Trafford inkastoo aan la hubin mustaqbalkiisa kooxda, ayaa aaminsan in taageerayaashu ay awoodi doonaan inay arkaan isbedelada uu tababaraha reer Holland ku sameeyay nidaamka kooxda.
“Bilawga xilli-ciyaareedka ka hor, waxaan rabaa inaan sare u qaaddo heerarka jirdhiska,” ayuu yidhi. “[Waxaad dooneysaa inaad] ku soo laabato sida ay tahay inaad u ciyaarto Premier League .
Xidigan ayaa aad loogu eedeyay taageeradaha uu ka wado gudaha ingariiska isagoo loogu baaqay inuu u soo jeesto kubada.
Be the first to comment