Weeraryahanka Man Utd Ronaldo oo ku sugan Manchester si uu ula kulmo Ten Hag iyo Arnold

Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa ku sugan magaalada Manchester kadib markii uu shalay u duulay dalka Ingiriiska.

Maanta ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo uu Ronaldo la kulmo tababare Erik ten Hag tan iyo markii loo magacaabay xilka, isagoo sababo shaqsi ah u seegay safarkii xilli ciyaareedka ee kooxda. Ronaldo ayaa waydiistay United in ay ka fiirsadaan dalabyada u imaanaya xagaagan.

Ten Hag iyo madaxa fulinta Richard Arnold ayaa si cad u sheegay in ay filayaan in Ronaldo uu arko inta ka hadhsan qandaraaskiisa 500,000 oo gini ee usbuuciiba, kaas oo ku eg ilaa June 2023.

Ten Hag ayaa si cad u xaqiijiyay mawqifkiisa: “Waxaan qorsheyneynaa Cristiano xilli ciyaareedkan, marka taasi waa sidaas, waxaana rajeynayaa inaan la shaqeeyo.

“Waan la hadlay ka hor inta aysan arrintani soo bixin. Runtii sheeko fiican ayaan la yeeshay isaga, laakiin taasi aniga iyo isaga ayaa inoo dhexayn doonta. Laakiin Cristiano iib maaha.”

Ten Hag ayaa ciyaartoydiisa siiyay maalinta fasaxa ee isniinta si ay u soo kabtaan duulimaadkii dheeraa ka dib, laakiin waxay ku soo laaban doonaan tababarka Carrington Talaadada.

Haatan ma cadda in Ronaldo uu ku biiri doono, laakiin wadahadalo fool ka fool ah oo u dhexeeya xiddiga weerarka ka ciyaara, Ten Hag iyo Arnold ayaa ku jira ajandaha usbuucan, sidaas waxaa qortay Mirror .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*