Ad
Weeraryahanka Real Madrid Marco Asensio ayaa loo soo bandhigay Manchester United .
El Chiringuito ayaa sheegaya in Asensio loo soo bandhigay in uu xagaaga u dhaqaaqo Manchester United isaga oo u sii maraya wakiilkiisa Jorge Mendes.
Ad
Taasi waxay aragti ahaan noqoneysaa inuu halkaas kula biiro saaxiibadiisii hore ee Madrid Raphael Varane iyo Cristiano Ronaldo.
Asensio ayaa yiri usbuucan: “Hal sano oo dheeri ah ayaan ku heystaa qandaraaskeyga . Tani waa waqti muhiim ii ah, ma diidi doono. waana inaan gaaro go’aamo muhiim ah.
“Aniga iyo qoyskaygu waan ognahay inay tahay inaan sii wato korriinka oo aan horay u socdo. Waxa aan doonayaa in aan ku guulaysto waxyaabo muhiim ah kubada cagta wayna iga caawiyaan in aan taas sameeyo”.