Weeraryahanka Real Madrid Marco Asensio ayaa sugaya inuu maqlo kooxaha xiiseynaya.
Asensio ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa haatan waxana uu isku diyaarinayaa in uu ka tago xagaagan.
Sport ayaa sheegeysa in Asensio uu ‘sugayo’ soo jeedinta kooxo kale, oo ay ku jiraan Liverpool , Manchester United , Arsenal , Juventus iyo AC Milan .
Milan ayaa ugu cadcad soo xero galinta ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Spain, inkastoo xiisahooda uu sii yaraanayo.
Habka la wareegida kooxda ayaa hakad galisay qorshahooda suuqa kala iibsiga.