
Weeraryahanka Real Madrid Rodrygo ayaa ku faraxsan qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan.
Rodrygo ayaa ku faraxsan fursadaha uu tababare Carlo Ancelotti siinayo.
“[Ancelotti] waxa uu ahaa mid aad muhiim u ah,” ayuu yiri Rodrygo.
“Tan iyo xilli ciyaareedkii hore wax badan ayuu ila hadlay, mar walba wuu i caawin jiray, waan ogahay inay tahay inaan horumar sameeyo.
“Waan aqbalayaa dhaleecayn wax ku ool ah, wuuna igu hambalyeynayaa haddii aan si fiican wax u qabto, waan ogahay inaan la qabsan doono isaga.
“Waan horumarin karaa dhinac walba…Waxaan dhalindoinaa goolal badan, iyo caawimo badan.”
Real Madrid ayaa wajihi doonta Paris Saint-Germain wareega 16-ka ee Champions League, wuxuuna Rodrygo aaminsan yahay in koox ahaan ay ka caawin doonto Los Blancos inay u soo baxdo wareega 8da.
Be the first to comment