Weeraryahanka Real Madrid Vinicius Junior oo iska diiday Dalabka seddex kooxood oo Premier League ah

Weeraryahanka Real Madrid Vinicius Junior ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday seddex kooxood oo Premier League ah si uu ugu kordhiyo sii joogida garoonka Bernabeu.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha qaab ciyaareedka fiican sameeyay ee Carlo Ancelotti xilli ciyaareedkii 2021-22 isagoo dhaliyay 22 gool iyo 20 caawin 52 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Faa’iidada Vinicius ayaa ka caawisay Los Blancos in ay xaqiijiso in ay laba jeer ku guulaysato La Liga iyo Champions League, wuxuuna sidoo kale goolkii guusha ka dhaliyay Liverpool kulankii bandhiga Yurub.

21-sano jirkaan qandaraaska uu haatan ku joogo Bernabeu waxaa ka harsan labo sano oo kaliya, laakiin wuxuu dhawaan shaaca ka qaaday inuu ku dhow yahay inuu heshiis u kordhiyo kooxda ka dhisan caasimadda.

“Paris Saint-Germain ayaa i xiiseyneysa? Waxaan doonayaa inaan sii joogo Real Madrid, waxaan ku dhowahay heshiis cusbooneysiin,” Vinicius ayaa u sheegay suxufiyiinta markii wax laga weydiiyay xiriirka kala dhexeeya kooxda heysata horyaalka Faransiiska.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*