Weeraryahankii hore ee Argentina Franco Jara oo sheegay inuu Messi dhunkan doono haduu yimaado MLS.

Weeraryahankii hore ee Argentina Franco Jara, oo haatan u ciyaara kooxda FC Dallas ee dalka Mareykanka, ayaa ku gacan seyray fikirka ah in Lionel Messi uu yimaado MLS .

Kabtanka Barcelona ayaa leh go’aan uu ku gaadho dhamaadka qandaraaskiisa Camp Nou bisha June, iyadoo tallaabada laga qaadayo mid ka mid ah xulashooyinka la soo sheegay.

Haddii uu Messi u yimaado inuu ku ciyaaro MLS cagihiisa waan dhunkanayaa ayuu Jara u sheegay 90min Waxay noqon laheyd waalli, waalli.

Intii aan ku guda jiray shaqadayda, markii aan ku jiray xulka qaranka, waxaan fursad u helay inaan la wadaago garoonka ciyaartoy iyaga la mid ah laakiin in isaga oo fool ka fool ah uu gabi ahaanba ka duwan yahay.

MLS waxay keeneen Zlatan Ibrahimovic, Gonzalo Higuain… aan rajeyno Messi inuu helo fursadda.

“Inta ugu badan ee Messi iyo Cristiano Ronaldo, waa fursad lagu noolaado meel ka baxsan kubada cagta, inuu noqdo qof caadi ah.

Aniga, adiga, waxaan jecel nahay inaan u baxno inaan wax cunno, u aadno shineemo, u aadno supermarket-ka si aan u iibsano… Mareykanka ayaa taas bixiya.

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*