Wenger oo Cadeeyay in Kooxda PSG ay lumineyso Mbappe

Tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger ayaa aaminsan in PSG ay waayi doonto Kylian Mbappe dhamaadka xili ciyaareed kaan.

Qandaraaska oo dhamaanaya bisha June, Mbappe ayaa la filayaa inuu ugu dambeyntii ku biiro Real Madrid .

Wenger, oo hadda u shaqeeya FIFA, ayaa yiri: “Waqtigu wuxuu la ciyaarayaa PSG , marka aad ku jirto xaalad sidan oo kale ah, inta ay sii dheeraato, way sii adkaanaysaa in la xiro, waxaan sugayay sannad iyo badh PSG inay dib u cusbooneysiiso Mbappé.

“Waa ciyaaryahanka ugu muhimsan ee ay u heystaan qaabka ay u ciyaaraan PSG , laakiin waqti yar ayaa ka haray, maantana ciyaaryahanku wuxuu xor u yahay inuu la saxiixdo qofka uu doono.

“Waxay dalab adag ka heleen Real Madrid . Markaad diido 180 milyan … xitaa PSG weli waa lacag aad u badan. Markii ay diideen lacagtan, waxaan u maleynayaa inay naftooda u sheegeen: ‘Waa inaan haysanaa xilli ciyaareed heer sare ah. Waxaan haysanaa Messi, mana awoodi karno inaan lumino Mbappé, lakin taas ma dhaceyso”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*