Wenger oo ka dhawaajiyay Horyaalka uu ka Ciyaarayo Xidiga Haaland Sanadka Danbe

Haaland ayaa Loo badinayaa in uu ka Ciyaarayo Horyaalka Premier League isla markana uu ku biirayo Halkaasi.

Weeraryahanka Borussia Dortmund ayaa lala xiriirinayay dhowr ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub sanadihii la soo dhaafay, iyadoo Manchester City, Manchester United, Liverpool iyo Chelsea la sheegay inay xiiseynayaan.

Kooxaha Ingriiska maahan kuwa kaliya, si kastaba ha ahaatee, Paris Saint-Germain, Real Madrid iyo Barcelona ayaa sidoo kale lala xiriiriyay xiddiga ku dhashay Leeds.

Wenger ayaa rumeysan in Haaland, oo 21 jir ah, uu ku laaban doono dalkii uu ku dhashay waqti dheer, isagoo u sheegay Bild Live: “Waxaan u maleynayaa inay taasi dhici doonto. Awoodda dhaqaale ee Premier League waa mid aad u xooggan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*