West Ham 0-2 Manchester City: Haaland oo laba gool u dhaliyay kooxda heysata horyaalka Premier league-ga

Erling Haaland ayaa labo gool dhaliyay kulankiisii ​​ugu horeysay ee Premier League iyadoo Manchester City ay 2-0 ku garaacday West Ham garoonka London Stadium.

Erling Haaland ayaa riikoodhe ku furay goolasha Manchester City daqiiqaddii 36aad kaddib markii uu goolhaye Alphonse Areola uu qalad ku galay weeraryahankan oo kubbad xarrago leh ay soo wada ciyaareen Ilkay Gundogan, halka goolka labaadna uu isla Haaland saxeexay isaga oo baas qurux badan oo uu ka helay Kevin de Bruyne la galay xerada ganaaxa, kaddibna dhinaca ka dhigay goolhayaha.

Dhibaatooyinka dhaawaca ee Moyes ayaa sii kordhayay iyadoo Lukasz Fabianski uu ku qasbanaaday inuu baxo ka dib markii uu jug ka soo gaaray kubada Haaland, Alphonse Areola ayaa bedelay.

Labada Kooxood waxay wajahayaan kooxaha soo dalacday iyadoo West Ham ay axada u safri doonto Nottingham Forest, halka City ay martigelin doonto Bournemouth sabtida.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*