West Ham 2-2 Manchester City: Mahrez oo ka qasaariyay rigoore dhamaadkii ciyaarta

Manchester City ayaa barbaro 2-2 ah oo ay la gashay West Ham iyada oo xidiga Riyad Mahrez uu ka Qasaariyay kooxdiisa rigoore.

Manchester City oo marti ku ahayd London Stadium ayaa qaybtii hore waxa lagaga nixiyey laba gool oo uu ka dhaliyey Jarrod Bowen Daqiiqadii 24aad iyo 45aad, waxaana haddii ay sidaas ku dhamaan lahayd fursad fiican heli lahayd Liverpool.

Xiddiga ugu qaalisan horyaalka Premier  League ee Jack Grealish ayaa  markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay daqiiqad kaliya socotay gool qurux badan u keenay Manchester City, ka hor intii aanu Vladimir Coufal oo difaaca midig uga ciyaara West Ham aanu si qaldan iskaga dhalin gool, xilli uu isku dayayay inuu madax ku difaaco kubbad laad xor ahayd.

Kooxda horyaalka Premier League difaacanaysa ee Manchester City oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa rikoodhe heshay xilli afar daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsanaayeen dhamaadka xilli ciyaareedka, waxaana u tuuray Riyad Mahrez hase yeeshee waxa ka qabtay goolhaye Lukasz Fabianski, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 2-2.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester City ay iska lumisay laba dhibcood oo muhiim u ahaa hanashada horyaalka, halka Liverpool ay heshay fursad fiican oo ay illaa ciyaarta ugu dambaysa ugu dagaallami karto hanashada horyaalka Premier League.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*