West Ham United 3-2 Chelsea: Arthur Masuaku oo West Ham ka Caawiyay Garaacista Blues oo Hogaanka Lumin karta

Arthur Masuaku ayaa gool soo daahay dhaliyay iyada oo West Ham ay u dagaalantay inay 3-2 ku garaacdo kooxda hogaanka u haysa Premier League ee Chelsea kulan xiiso lahaa oo ka dhacay London derby.

Gool uu madax ku dhaliyay Thiago Silva ayaa hogaanka u dhiibay kooxda heysata horyaalka Yurub ee London Stadium, lakiin Manuel Lanzini ayaa rigoore ku dhaliyay daqiiqadii 40aad ka dib qaladaad ay sameeyeen Jorginho iyo Edouard Mendy.

Mason Mount ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta gool ku laad u dhaliyay Chelsea oo hogaanka ciyaarta ku soo ceshatay,laakin Jarrod Bowen ayaa kubad joog hoose oo heer sare ah soo qaaday isagoo mar kale hogaanka u dhiibay Hammers.

Blues oo isku xoojisay  Romelu Lukaku oo kursiga keydka ka soo kacay waqtigii nasashada ayaa laga dhaliyay goolka guusha Masuaku ayaa soo qaaday karoos uu gaari waayay Mendy iyadoo seddex daqiiqo ciyaarta ka harsantahay.

Guuldaradan ayaa la macno ah in Chelsea u dhacdo kaalinta labaad ama saddexaad ahadii liverpool ama manchester city ay guulo gaaraan.

Chelsea ayaa wajihi doonta Zenit meel ka baxsan garoonkeeda tartanka Champions League Arbacada soo socota, halka West Ham ay martigelin doonto Dinamo Zagreb Europa League maalinta xigta.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*