Home Horyaalka Ingiriiska Wiilka kabtankii hore ee manchester united weyne Rooney oo heshiis u saxiixay...

Wiilka kabtankii hore ee manchester united weyne Rooney oo heshiis u saxiixay Man united

0
Wiilka Wayne Rooney ee Kai ayaa raacay wadadii aabihiis isagoo u saxiixay kooxda  Manchester United  heshiis cusub  Mike phelan oo ah Caawiyaha Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka halday arintaan.
Phelan ayaa ah shaqsi lasoo shaqeysan jiray Sir Alex Ferguson xilligii Wayne Rooney uu uciyaari jiray kooxda man united mike Phelan ayaa ku kaftamay inuusan xamili karin Rooney kale oo united ka ciyaaraya isagoona iska caabin kari waayey baashaalka iyo kaftanka shaqaalaha cusub ee kooxda kusoo biiray.
11 sano jirkaan kaidb markii uu  qalinka ku duugay heshiis cusub waxaa baraha bulshada qabsaday Wayne Rooney iyo xaaskiisa Coleen si ay u muujiyaan farxadooda. Maamulaha haatan ee Derby County ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray: “Aabe. Waxaad u saxiixaysaa Man Utd Sii wad hawsha adag.
Dhanka kale, Kai hooyadiis Coleen ayaa barteeda Instagram kusoo qortay Habeen qaas ah… .. hambalyo Kai. Waan ku jecelahay aadna waan kuugu hanweynahay. Sii wad isku daygaaga ugu fiican.
Kai Aabihiis wuxuu ku guuleystay 12 koob oo waa weyn intii uu Joogay  United oo ay ku jiraan shan horyaal oo Premier League ah iyo Champions League Ka dib United Wayne wuxuu ku soo laabtay Everton, wuxuu u dhaqaaqay MLS kadibna waxa uu tababare u noqday Derby Wuxuuna hadda si ku meel gaar ah u maamulaa kooxda Rams.

BY/Abdullahi burka:

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here