William Gallas Oo Tilmaamay Qaladka Weyn Oo Uu Sameeyey Mulkiilaha Chelsea Ee Todd Boehly

Mulkiilaha Chelsea ee Todd Boehly ayaa sameeyey qaladkiisii ugu horreeyey oo noqday mid weyn, kaddib go’aamo liitay oo uu ka sameeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan oo ay soo xero-geliyeen dhawr saxeex laakiin ay sidoo kale ka tageen laacibiin  kale halka sidoo kalena lagu garaacay saxeexyo waaweyn oo ay raadinayeen.

Chelsea ayaa uu suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagani ugu suntan yahay mid guul-darro sababtoo ah laba ciyaartoy oo waaweyn oo ay doonayeen ayaa lagaga adkaaday, halka ay sidoo kalena amaah ku direen ciyaartoyga ugu qaalisan taariikhda Stamford Bridge ee Romelu Lukaku oo sannad kaliya joogay Blues dibna ugu laabtay Inter Milan

Blues ayaa safkeeda kusoo kordhisay Raheem Sterling oo ay kasoo iibsatay Manchester City, halka goolhaye Gabriel Slonia ay kala soo wareegeen horyaalka Maraykanka, saacadaha soo socda ay diyaarinayaan xafladda ay kusoo bandhigayaan da’yarka ay kala soo wareegeen Aston Villa ee Chukwuemeka.

Difaacii hore ee xulka qaranka Faransiiska iyo kooxaha Chelsea, Arsenal iyo Tottenham ee William Gallas ayaa sheegay in Todd Boehly uu sameeyey qaladaad waaweyn, isla markaana ay ka khalkhashay istaraatiijadda iyo sidii uu mudnaanta u siin lahaa saxeexyada ay kooxdiisu u baahnayd.

Gallas waxa uu sheegay in qaladka ugu xun ee uu sameeyey Todd Boehly uu yahay in uu kooxda keeni waayay Jules Kounde oo Barcelona ay ka hor qaadday, waxaana la rumaysan yahay in habacsanaan iyo liidasho dhinaca wada-xaajoodyada ah darteed ay arrintaasi ku dhacday.

Barcelona ayaa difaacan reer France ee 23 jirka ah ku iibsatay 50 milyan oo Euro, waxaana kasii horreeyey Raphinha oo sidoo kale ay kooxda reer Spain ku garaacday Chelsea.

“Way igu adkaatay in aan fahmo waxa ku dhacay Chelsea marka aad ka eegto iibsiga difaacyahannada. Waxa aan dareemayay in ay Sevilla kala soo saxeexanayaan Kounde! Waxa aan ogaa iyaga oo aad ugu dhow saxeexiisa, waxayse ila tahay in ay sameeyeen qalad weyn oo ah in aanay dhamaystirin heshiiskaas.” Ayuu yidhi Gallas.

Waxa uu ku daray: “Boodhka kooxdu way u dhowaayeen saxeexa Kounde laakiin waqtiga ayaa dheeraaday, mana aha in waqti dheer uu socdo wada-hadalka  ciyaartoy tayada Kounde oo kale ah, xilli ciyaareedkii horena bandhig fiican sameeyey.

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*