Home Suuqa Kala iibsiga William Gallas”Arsenal uma baahna inay la soo wareegto Mikel Merino”

William Gallas”Arsenal uma baahna inay la soo wareegto Mikel Merino”

0

William Gallas ayaa kalsooni ku qaba in Arsenal ay qarka u saaran tahay inay soo gabagabeyso sugitaanka ku guuleysiga horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, laakiin wuxuu uga digay Mikel Arteta inuu qarka u saaran yahay inuu sameeyo saxiix aan loo baahnayn.

Gunners ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee Manchester City labadii olole ee ugu danbeysay, laakiin mar kale ayay is xoojiyeen xagaagan.

Arsenal ayaa si toos ah ula wareegtay David Raya oo ay Amaah ku haysteen xilli ciyaareedkii hore halka ay sidoo kale la soo saxiixdeen Califiori oo ay ku xoojiyeen daafaca.

Kooxda ayaa wali suuqa ku jirta waxana lala xidhiidhinayaa xiddiga Khadka dhexe ee Real Sociedad Mikel Merino.

Gallas, si kastaba ha ahaatee, wuxuu aaminsan yahay in saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Spain uusan ahayn mid loo baahan yahay, taa bedelkeedana wuxuu aaminsan yahay in weeraryahan cusub uu yahay mid ka muhiimsan.

“Arsenal uma baahna inay la soo wareegto Mikel Merino marka ay haystaan ​​Declan Rice kaas oo ka ciyaari kara booskaas” kabtankii hore ee Gunners ayaa u sheegay Genting Casino.

“Uma maleynayo in Arsenal ay u baahan tahay ciyaaryahan kale oo khadka dhexe ah. Waxay u baahan yihiin weeraryahan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here