Wolves 1-5 Manchester City: De Bruyne oo dhaliyay Afarta gool Xili City ay ku dhawaatay Qaadista Horyaalka

Kevin De Bruyne ayaa afar gool oo cajiib ah dhaliyay iyada oo Manchester City ay soo ceshatay hogaankii saddexda dhibcood ee ay ku haysay Premier League kadib markii ay 5-1 ku garaacday Wolves.

Kevin de Bruyne ayaa caawa wacdarro dhigay isagoo dhaliyay afar gool oo cajiib ah halka goolka shanaad uu saxiixay Raheem Sterling.

Goolashada Kevin ayaa yimid Daqiiqadihii 7aad, 16aad iyo Daqiiqadii 24aad ee qeybta hore halka goolkiisa Afaraad uu dhaliyay Daqiiqadii 60aad halka Goolka Shanaad ee Sterling uu yimid Daqiiqadii 84aad ee ciyaarta.

City waxay haatan seddex dhibcood ka sareysaa kooxda kaalinta labaad ee Liverpool iyadoo labo kulan uu horyaalka ka harsan yahay, waxay u baahan yihiin kaliya afar dhibcood inay ka helaan labada kulan ee u harsan si ay u xaqiijistaan hanashada horyaalka. Sidoo kale City ayaa farqiga goolasha aad uga sareysa Liverpool iyagoo haatan ka sareeya todoba gool.

Man City waxay shantii kulan ee ugu danbeysay Premier League ku badisay 22 gool iyo gool, waxay goolasha u dhalinayaan si kheyrul caadi ah.

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 5-1 oo ay City ku xasuuqday Wolves, waxay Axada la ciyaarayaan West Ham oo ay ku booqanayaan garoonka London.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*