Manchester United oo 9-0 ku Xasuuqday Southampton iyo Wolves oo garaacday Arsenal Horyaalka Premier league

Kooxda Manchester United ayaa ku ciil baxday kooxda Southampton marka la eego kulankeeda ugu danbeeyay oo guul daro soo gaartay.

Xidigaha United ayaa Goolal nus darsin ah uga badiyay Southampton kuwaasi oo gaaraya 9 iyo 0.

Red Devils ayaana goolasha ka heshay Aaron Wan-Bissaka 2 Daqiiqo, Marcus Rashford 25 Daqiiqo gool uu iska dhaliyay Jan Bednarek 34 Daqiiqo Edinson Cavani  39 Daqiiqo iyadoo qeybta hore lagu kala nastay Afartaasi gool Qeybta danbe waxaa goolasha sii dheereeyay Anthony Martia 69 Daqiiqo ,Scott McTominay 72 Daqiiqo Bruno Fernandes rigoore 88 Daqiiqo, Anthony Martia 90 Daqiiq iyo Daniel James 90+3 Daqiiqo guud ahaan ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 9-0.

Guusha Manchester United ayaa ka dhigan in 44 Dhibcood la wadaagto kooxda Manchester City oo labo kulan u harsanyahay.

Maxaa Xiga

Manchester United ayaa kulankeeda Xiga waxay Garoonkeeda ku soo dhaweyndoonta kooxda Everton Sabtida soo socota oo bisha ku beegan 6.

Wolverhampton Wanderers 2-1 Arsenal

Kooxda Wolves ayaa gurigeeda ku garaacday kooxda Arsenal kulan ka tirsan Horyaalka ingariiska iyadoo xidigaha Gunners labo kamid ah la siiyay kaarka casaanka.

inkastoo Kooxda Arsenla ku hormatay Hogaanka Ciyaarta hadana Wolves ayaa goolkaasi ugu badashay labo gool oo u saxiixeen Ruben Neves Daqiiqadii 45+5 aad ee ciyaarta iyo Joao Moutinho Daqiiqadii 49 ee ciyaarta goolka Arsenal waxaa u dhaliyay Nicolas Pepe Daqiiqadii 32-aad ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2 iyo 1 xili kaarka cas la siiyay David Luiz iyo Bernd Leno.

Natiijada ciyaarta ayaa ka dhigan in Arsenal ay u dhacdo booska 10-aad ee horyaalka iyago leh 31 dhibcood halka wolves ay soo gashay booska 14-aad ee horyaalka.

Maxaa Xiga

Kooxda Arsenal ayaa kulankeeda xiga waxay la ciyaaridoonta Aston Villa 6 bishan oo sabti ku beegan

Kulamada kale ee la ciyaaray

FEBRUARY 2
FT Sheffield United 21 West Bromwich Albion
FT Wolverhampton Wanderers 21 Arsenal
FT Manchester United 90 Southampton
FT Newcastle United 12 Crystal Palace
Kulamada la ciyaaray kadib iyo Sida loo kala horeeyo
# Team Name P W D L F A GD PTS
1 Manchester City 20 13 5 2 37 13 24 44
2 Manchester United 22 13 5 4 46 27 19 44
3 Liverpool 21 11 7 3 43 24 19 40
4 Leicester City 21 12 3 6 37 25 12 39
5 West Ham United 21 10 5 6 31 27 4 35
6 Tottenham Hotspur 20 9 6 5 34 21 13 33
7 Chelsea 21 9 6 6 35 23 12 33
8 Everton 19 10 3 6 29 24 5 33
9 Aston Villa 19 10 2 7 34 21 13 32
10 Arsenal 22 9 4 9 27 22 5 31
11 Leeds United 20 9 2 9 35 36 -1 29
12 Southampton 21 8 5 8 27 34 -7 29
13 Crystal Palace 22 8 5 9 27 37 -10 29
14 Wolverhampton Wanderers 22 7 5 10 23 31 -8 26
15 Burnley 20 6 4 10 13 26 -13 22
16 Newcastle United 22 6 4 12 22 36 -14 22
17 Brighton & Hove Albion 21 4 9 8 23 29 -6 21
18 Fulham 20 2 8 10 17 29 -12 14
19 West Bromwich Albion 22 2 6 14 18 52 -34 12
20 Sheffield United 22 3 2 17 14 35 -21 1

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*