Xaalada Dhaawac ee Ansu Fati oo laga Warbixiyay iyo Hadii uu Qeyb ka yahay Kulanka Payern Munich

Kooxda Barcelona ayaa la kulantay dhirbaaxo xun ka hor kulanka arbacada ee Champions League ay la ciyaari doonto kooxda Bayern Munich ka dib markii la xaqiijiyay in uu Ansu Fati dhaawac ku seegi doono kulanka.

Iyadoo labo dhibcood oo kaliya ka sareysa Benfica, kooxda reer Catalan ayaa u safreysa Allianz Arena iyagoo u baahan seddexda dhibcood si ay ugu soo baxaan wareega 16-ka champions League.

Si kastaba ha ahaatee, Xavi ayaa ku qasbanaan doona inuu shaxdiisa ka fogeeyo xiddiga Fati kaas oo aan ku jirin liiska xiddigaha u safray Germany ee ka qayb qaadan doona kulanka.

19-sano jirkaan ayaa ka maqnaa kooxda Barcelona tan ilaa marki uu ku dhaawacmay kulankii Celta Vigo 6 bishii November waxana uu wali ka soo kabsanayaa dhaawac muruqa ah.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyada oo guuldarro 1-0 ah ka soo gaadhay garoonkeeda Real Betis, natiijadaas oo ka dhigtay in ay 16 dhibcood ka dambeeyaan hogaamiyayaasha La Liga iyo kooxda ay sida aadka ah u xifaaltamaan ee Real Madrid.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*