Xabi Alonso ayaa la sheegay in uu go’aansaday in uu isaga tago Bayer Leverkusen dhamaadka xilli ciyaareedkan, isaga oo Manchester City iyo Real Madrid galiyay heegan.
Tababaraha aadka loo jecel yahay, oo 42 jir ah, ayaa xagaagii waxaa doonayay kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ka dib markii uu Leverkusen ku hogaamiyay horyaal Jarmal ah xilli ciyaareedkii hore
Xabi Alonso wuxuu diiday inuu ka dhaqaaqo kooxdiisa oo markii ugu horeysay uu ku hogaamiyay horyaalka Bundusliga xili.ciyaareedkii hore.
Wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka Alonso ayaa hadda sii socan doona, iyadoo kooxda heysata horyaalka Premier League ee Man City haddii Pep Guardiola uu baxo ay isha ku hayaan.
Sida lagu sheegay warbixin cusub oo lagu daabacay Eurosport, Alonso waxay u badan tahay inuu aado Madrid, halkaas oo uu halyey weyn ka yahay, inkastoo Man City dhaqaale badan kusoo jiidan karaan.