Robert Lewandowski ayaa laba gool ka dhaliyay kulankii Barcelona iyo Red Star, ee Champions League, kaasoo ka tirsanaa champions League.
Lewandowski ayaa dhaliyay goolkiisii ​​shanaad xilli ciyaareedkan Champions League, isagoo barbareeyay Harry Kane, weeraryahanka Bayern Munich, kaasoo dhaliyay 5 gool, iyo Victor Geukeris, weeraryahanka Sporting Lisbon oo isna leh 5 gool.
Isla kulankaas Rafinha ayaa dhaliyay gool isaga oo dhaafay xiddiga ay isku dalka yihiin ee Vinicius Junior isaga oo ka dhigay 5 gool isaga oo sidoo kale dhaafay xiddiga reer Canada ee Jonathan Davies.
Tartanka gooldhalinta ayaa maraya meel xiiso leh waxana ay xiddigo badan isku baacsanayaan gooldhalinta tartanka.
1 Harry Kane, Bayern Munich, 5 gool.
2 Viktor Gyökeres, Sporting Lisbon, 5 gool.
3 Rafinha, Barcelona, ​​5 gool.
4 Robert Lewandowski, Barcelona, ​​5 gool.
5 Jonathan David, Lille, 4 gool.
6 Vinicius Junior, Real Madrid 4 gool.
7 Serhou Guirassy, Borussia Dortmund, 3 gool.
8 Karim Adeyemi, Borussia Dortmund, 3 gool.
9 Muhammed Kerem Aktürkoğlu, Benfica, 3 gool.
10 Luis Diaz, Liverpool, 3 gool.