Home Warar Ciyaaraha Maanta Xagee ka Dhaceen Khaladaadka Man United Ee Sababay Guuldaradii Brighton?

Xagee ka Dhaceen Khaladaadka Man United Ee Sababay Guuldaradii Brighton?

0

Kooxda Man United ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Brighton kulan ka tirsanaa horyaalka premier Legaue.

Kooxda Man United looga badiyay 2/1 kulan ka tirsanaa todobaadkii 2-aad ee horyaalka premier League.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa sababaha keenay guuldarada Man United.

1.Weerar La’aanta:

Kulankii 2-aad oo xidhiidh Erik Ten Hag ayaa qaatay go’aan khaldan isaga oo weerarka beenta ah ka ciyaarsiiyay xiddiga Bruno Fernandes

Fernandez ayaa ka ciyaarayay weerarka kulankan waxana ay Man United ku dhibaatootay in ay helaan xiddig jooga goolka hortiisa si ay goolal u dhaliyaan.

Man United ayaa haysata Zirkzee kaas oo ah weeraryahan toos ah laakiin Ten Hag ayaa go’aansaday in uu kaydka ku hayo xiddiga inkasta oo uu dhaliyay gool kulankii fulham.

2.Badalka Qaybta dambe:

Man United ayaa ahay kooxda fiican qaybtii dambe iyada oo la arkayay in ay samaynayaan fursado ay ku hogaamin karaan ciyaarta.

Laakiin Erik Ten Hag ayaa sameeyay badal wax walba badalay kaas oo ahaa in uu badalo Bruno Fernandes isla markaas soo galiyo McTominay.

Fernandes ayaa ahaa xiddiga dajinaya ciyaarta inkasta oo uuna ka ciyaarayn booskiisa laakiin markii uu badalay ayaa la dareemay in ay Man United si weyn ugu dhibaatotay ciyaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here