Home Horyaalka Spain Xanta:Man City iskuma dayi doonto in ay la soo saxiixa Messi xili...

Xanta:Man City iskuma dayi doonto in ay la soo saxiixa Messi xili ciyaareedka soo socota sida ay sheegtay Khabiirada reer Spain

0

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay diidi doonto inay u dhaqaaqdo xiddiga Barcelona Lionel Messi.

Messi, oo 33 jir ah, ayaa si xamaasad leh u codsaday inuu ka tago Barca intii lagu jiray xilli ciyaareedkii dhawaa, laakiin wuxuu ku dambeeyay inuu sii joogo kooxda LaLiga.

Weli, ka hadal mustaqbalkiisa ayaa sii socda, iyadoo City ay tahay tan ugu xoogan ee lala xiriirinayo.

Manchester City ma isku dayi doonto inay lasoo saxiixato xiddiga Barcelona Messi, sida ay qortay khabiirka kubada cagta Spain Semra Hunter oo la hadashay Sky Sports News.

Warbixinta ayaa sheegeysa in da’da Messi iyo mushaharkiisa ay tahay sababaha ugu weyn ee kooxaha waaweyn ee Premier League aysan u eryan doonin.

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here