Waxa xalay soo baxay war sheegaya in kooxda Manchester United ay wadahadal la bilawday dhigeeda Paris Saint-Germain iyadoo ka doonaysa garabka bidix ee Neymar Jr.
Warbixinta ayaa sheegaysa in Casemiro oo ay xulka Brazil asxaab dhaw ku yihiin Neymar uu xiddigaas ku qancinyo inuu usoo wareego Old Trafford.
Iyadoo ay sidaas tahay ayuu wargeyska Daily Mail gabi ahaanba beeniyay wararkaas isagoo sheegaya in kooxda macalin Erik Ten Hag aysan ku jirin wadahadal ay saxeexa Neymar ku doonayso.
Heshiiskii uu Ney ugu wareegay PSG sanadkii 2017 ayaa wali ah midka ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta isagoo rekoodhkaas 222 Milyan oo euro ku haysta.
Walow laba sano ka hadhsan yihiin heshiiskiisa Paris haddana waxa jirta hubaanti la’aan badan oo ku gedaaman Neymar iyadoo ay suurogal tahay inuu xagaaga iskaga tago kooxda.
Mudada uu joogay PSG, Neymar ayaa 173 kulan usoo ciyaaray wuxuuna soo dhaliyay 118 gool halka uu 77 kale caawiyay.
Waxa jira warar xan ah oo sheegaya in xidhiidhka Neymar iyo saaxiibkiisa kooxda ee Kylian Mbappe uusan fiicnayn, xagaa isbedel weyni dhaco ayuu u noqon karaa PSG oo sidoo kale Lionel Messi kasii jeedo.