Xasaasi: Horyaalka Spian oo wili furan iyo kulamada go,aamin doono horyaalka.

Barcelona ayaa ku sii jirtay raadinta horyaalka LaLiga Santander ka dib markii ay 3-2 kaga badiyeen Valencia ciyaar ka dhacday garoonka Mestalla habeenkii Axada waxaana moodaa in aan la kala hari doonin horyaalka inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Guushooda ayaa daba socota qaab natiijooyin adag oo ay ka heleen tartamayaasha kale ee, Atletico Madrid iyo Real Madrid isbuucaan oo guuleysteen Guushaan ayaa ka dhigtay kooxda Ronald Koeman inay la dhibco noqoto Real madrid waxaana Labo dhibcood ka dambeeyaan hogaamiyaasha horyaalka Atletico.

Sevilla ayaan wali ciyaarin kulankeeda 34aad iyadoo kulankooda ay gurigooda kula ciyaarayaan kooxda Athletic Club caawa oo isniin ah Ciyaarta 35aad ayeey u aragtaa afarta ugu sareysa mid walba inuu wajaho, iyadoo Barcelona ay martigelineyso Atletico halka Real Madrid ay martigelineyso Sevilla.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*