Home Wararka Ciyaaraha Xasuuqii Liverpool ee Southampton oo laga diiwaangaliyay Xaqiiqooyin Cusub

Xasuuqii Liverpool ee Southampton oo laga diiwaangaliyay Xaqiiqooyin Cusub

0
Ad

kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield ku Xasuuqay kooxda Sopunthampton kulan ku tirsan Horyaalka Premier league-ga oo ku soo dhamaaday 4-0.

Xidigaha Diogo Jota, Thiago Alcantara iyo Virgil van Dijk ayaa Reds ka caawiyay guushooda kulankan.

Ad

Xasuuqaasi waxaa jira Xaqiiqooyin laga diiwaangaliyay Ciyaarta.

Liverpool ayaa haatan dhalisay 2+ gool 17 kulan oo xiriir ah oo ay ciyaartay tartamada oo dhan – waxayna noqotay kooxdii labaad ee abid ugu sareysa horyaalka Ingriiska ee gaadha heerkan kadib Sunderland sanadkii 1927 (17).

Liverpool ayaa dhalisay 39 gool 13kii kulan ee ay ciyaartay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waana goolashii ugu badnaa ee ay dhaliyeen xilli ciyaareedkan xilli ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa si toos ah ugu lug yeeshay 25 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan (17 gool, 8 caawin), waana in ka badan laba jibaar goolasha uu dhaliyay ciyaartoy kasta oo Premier League ah.

Kaliya Wayne Rooney (22 sano jir 200d) iyo Cesc Fàbregas (21 sano jir 188d) ayaa gaaray 40 caawin Premier League isagoo ka yar Trent Alexander-Arnold (23 sano & 51 maalmood).

Previous articleLiverpool 4-0 Southampton, Reds oo Garoonka Anfield ku dubatay kooxda Southampton
Next articleMikel Arteta oo shaaca ka qaaday dhibaatada muruqa ee Bukayo Saka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here