Xavi oo yidhi: “Dhaawaca Ansu Fati ma bedelayo xaalada Ousmane Dembele.

Tababaraha Barcelona Xavi ayaa ku adkaystay in xaalada Ousmane Dembele “aysan is badali doonin” inkasta oo ay kooxdu ku wayday Ansu Fati dhibaato kale oo muruqa ah.

Dhaawacii ugu dambeeyay ee Fati ayaa mar kale xaddidi doona dookhyada Xavi ee boosaska ballaaran, waxaana jiray soo jeedin ah in arrintan ay ku qasbi karto kooxda Catalan inay sii haysato Dembele inta ka dhiman ololahan.

Si kastaba ha ahaatee, Xavi ayaa sheegay in kooxda ay wali qorsheyneyso inay iska iibiso xiddiga heerka caalami ee dalka France bishaan ilaa uu go’aansado inuu qandaraas cusub u saxiixo Camp Nou.

“Xaaladdu (dhaawaca Fati) isma beddeli doono, waa inuu go’aansadaa, waxba ma beddelayso,” Xavi ayaa u sheegay suxufiyiinta. “Dembele si fiican ayuu u tababaranayay, wuu nastay, waa xubin kale oo kooxda ka tirsan, waana garanayaa xaaladiisa, aad ayaan u caddeeyey, isaga ayay ku xidhan tahay”.

Dembele ayaa hadda dagaal afka ah kula jira Barcelona, ​​laakiin ku guulaystaha Koobka Adduunka ayaa la sheegay inuu weli u furan yahay fikradda ah inuu qandaraas cusub u saxiixo.

24-sano jirkaan ayaa laga saaray shaxdii Khamiista ee Copa del Rey ee ay la ciyaareen Athletic Bilbao, Xavi ayaana weli shaaca ka qaadin inuu ku lug lahaan doono kulanka Alaves ee axada

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*