Home Warka Xiisaha Leh Xavi Hernandez oo sheegay hal shuruud oo kooxdiisa ka xigta inay markale...

Xavi Hernandez oo sheegay hal shuruud oo kooxdiisa ka xigta inay markale koobab u tartanto xilli ciyaareedka dambe.

0

Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa sheegay hal shuruud oo kooxdiisa ka xigta inay markale koobab u tartanto xilli ciyaareedka dambe.

Shuruudaas muhiimka ah ayuu Xavi ku sheegay in kooxdu hesho bedelka kabtankeeda udub-dhaxaadka u ahaa ee Sergio Busquets oo maanta kulankiisii ugu dambeeyay ee Camp Nou ciyaaraya.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Xavi sheegay in helista bedelka Busquets muhiimadooda koowaad ee suuqa sanadkan tahay, markale ayuu haatan farriin u diray madaxweyne Joan Laporta.

Xavi oo warbaahinta la hadlayay shirka jaraa’id ee ka horreeya kulankooda Mallorca ayaa sheegay inay ku dhibtoon doonto kooxdiisu inay tartan gasho haddii aysan bedelka ugu haboon u helin Sergio.

“Waa inaanu helno nuqulkaas haddii aanu doonayno inaanu tartano, waa inaanu helno nuqulkaas, waa furaha tartamista xilli ciyaareedka dambe” ayuu yidhi Busquets.

Blaugrana ayaa doorka Busquets ka tagayo lala xidhiidhinayaa khadka dhexe ee Bayern Munich ee Joshua Kimmich kaas oo ay macquul tahay inuu Allianz Arena iskaga tago suuqan.

Bartilmaameed kale oo lala xidhiidhinayo Xavi iyo kooxdiisa ayaa ah kabtanka Wolverhampton ee Ruben Neves.

Sergi Roberto iyo Ter Stegen ayaa ah xiddigaha kaliya ee Barcelona kaga hadhay ciyaaryoydii lasoo ciyaartay Xavi siddeed sano kaddib markii uu kooxda ka tagay.

Sidoo kale safka Barcelona ee soo hadhaya ayaan khibrad badan lahayn, Robert Lewandowski, Sergi Roberto iyo Ter Stegen ayaa ah xiddigaha kaliya ee 30 sano jir ka weyn ee Camp Nou ku sugan.

Previous articleWAR DEG DEG AH:Manchester United oo ugu dambayntii ogaatay qiimaha ay ku helayso xiddiga uu sida weyn u doonayo tababare Erik ten Hag ee Harry Kane
Next articleLionel Messi Oo Toddobaadkan Camp Nou Ka Degaya & Sababta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here