Xavi oo ka codsaday madaxda Barcelona inay sameeyaan Dadaalkii ugu Dambeeyay ee ay ku ceshan lahaayeen Ousmane Dembele.

Maamulaha Barcelona Xavi ayaa lagu soo waramayaa inuu ku booriyay madaxda kooxda inay sameeyaan isku daygii ugu dambeeyay ee ay ku sii hayaan Ousmane Dembele .

Laacibka heerka caalami ee dalka France ayaa wax ka yar labo isbuuc ka hartay qandaraaskiisa Camp Nou, waxaana lagu wadaa inuu albaabka ka baxo isagoo xor ah sida ay wax u socdaan.

Barcelona ayaa isku dayday kuna guuldareysatay inay Dembele ka saarto albaabka bishii Janaayo, laakiin 25-sano jirkaan ayaa soo laabtay si uu xubin muhiim ah uga noqdo kooxda uu hogaamiyo Xavi.

Dembele ayaa caawiye ka ahaa 13 gool 21 kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkii hore waana inta ugu badan ee ciyaartoy kasta oo horyaalka ah – Xavi ayaana albaabka u furay in weeraryahanka uu sii joogo kooxda.

Wadaxaajood dheer oo qandaraas cusub ah ayaan weli midho dhalin, laakiin sida laga soo xigtay Daily Mail , Xavi ayaa ka codsaday awoodaha – inuu isku dayo inuu sii haysto Dembele.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*