Xavi oo ka hadlay hadii kooxda ka tagayaan labada Xidig ee Gavi, iyo Ronald Araujo

Tababaraha Barcelona Xavi ayaa sheegay in kooxdu aysan awoodin inay lumiso midkood Gavi ama Ronald Araujo .

Labada ciyaaryahan ayaa xubno muhiim ah ka ahaa kooxda koowaad intii lagu jiray ololihii 2021-22, iyadoo Gavi uu ka soo muuqday 35 jeer tartamada oo dhan, halka Araujo uu saftay 33 kulan.

Labada ciyaaryahan ayaa qandaraaskooda Camp Nou dhici doona xagaaga soo aadan, inkastoo Barcelona ay haatan ku dhibtooneyso inay heshiis shaqsi ah la gaarto labada ciyaaryahan.

Waxaa la rumeysan yahay inay xiiso u qabaan labada ciyaaryahan Premier League, iyadoo Liverpool , Manchester United , Chelsea iyo Manchester City dhamaantood la sheegay inay isha ku hayaan xaalada.

Xavi ayaa rajo wanaagsan ka qaba in kooxdu ay heshiis la gaarto labada ciyaaryahan, waxaana tababaraha kooxda uu ku adkeystay in kooxda Catalan ay tahay inay sameyso wax walba oo ay ku ceshan karto.

“Kooxdu ma ogolaan karto inay lumiso Gavi iyo Araujo, aad ayey muhiim noogu yihiin, waxaana ku muujinayaa daqiiqadaha aan siinayo, rajo wanaagsan ayaan qabaa, waxaana rajeynayaa in xal degdeg ah loo helo, waxaan qabaa inay taasi tahay su’aasha waqtiga. Ama sidaas ayaan rajeynayaa,” Xavi ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Araujo iyo Gavi ayaa labaduba ku jira kooxda Barcelona kulanka muhiimka ah ee ay maanta la ciyaari doonaan kooxda Sevilla.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*