Xavi oo ka hadlay in Frenkie de Jong uu ka tagayo kooxda Manchester United

Maamulaha Barcelona Xavi ayaa diiday inuu meesha ka saaro suurtogalnimada uu kooxda Manchester United la wareegi karto xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong .

In kasta oo ay soo baxeen xiddigaha da’da yar ee Pedri iyo Gavi , De Jong waxa uu weli qayb muhiim ah ka yahay Barcelona tan iyo markii Xavi uu majaraha u qabtay Ronald Koeman .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Holland ayaa xirtay funaanadda Catalan 46 jeer tartamada oo dhan xilli ciyaareedka 2021-22, isagoo dhaliyay afar gool, halka uu dhigay shan kale.

De Jong ayaa sidoo kale ku soo bilowday 29 jeer horyaalka La Liga, inkasta oo uu ka maqnaa kulankii ay bar-baraha la gashay kooxda Getafe todobaadkii hore sababo la xidhiidha ganaax.

25-sano jirkaan ayaa qandaraas kula jira Camp Nou ilaa xagaaga 2026, laakiin mustaqbalkiisa ayaa su’aal la geliyay iyadoo la soo jeedinayo inuu isha ku hayo Man United.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*