Xavi oo ka hadlay ka haridii Barcelona ee Champions League

Xavi ayaa caro iyo jahawareer kala kulmay ka dib markii Barcelona ay ka hartay Champions League xalay.

Bixitaanka Barca ayaa la xaqiijiyay ka dib markii ay guuldarro 3-0 ah ka soo gaartay kooxda ku guuleysatay Group E ee Bayern Munich garoonka Allianz Arena.

Waxay la micno tahay in Blaugrana aysan kasoo muuqan doonin wareega 16ka ee tartanka markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2003-04, iyadoo Benfica ay ka badisay Dynamo Kiev taasoo u dirtay kaalinta labaad ee Bayern.

Runtii, Barca ayaa dhalisay kaliya labo gool lix kulan oo ay ciyaartay, waxaana loo diwaangeliyay kaliya todobo dhibcood; wadarta guud ee labaad ee ugu hooseeya inta lagu guda jiro hal marxalad group taariikhda tartanka.

Si kastaba ha ahaatee, tacabka Barca ayaa sii socon doona bisha Febraayo marka ay u dhacaan Europa League.

“Waa inaan waji ka waji ku wajahnaa, wax kale ma jiraan, waa cusub ayaa maanta bilaabmaya, waxaan ka soo bilownay eber.

“Ujeedka Barca waa Champions League, ma ahan Europa League. 

“Laakiin xaqiiqadeena hadda waa Europa League, waana inaan ku guuleysanaa”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*