Xavi oo loo diiday inuu Mareykanka ula safro Barcelona.

Tabaraha kooxda Barcelona Xavi ayaa loo diiday inuu u galo dalka Mareykanka si uu ugu qeyb galo safarka kooxda ee xilli ciyaareedka cusub.

Xavi ayaa lagu qasbay inuu ku sii nagaado garoonka diyaaradaha ee Barcelona sababo la xiriira booqashada Iran.

Xiddiga reer Spain ayaa booqday Iran saddex jeer shantii sano ee la soo dhaafay intii uu joogay kooxda Qatar ee Al Sadd isaga oo ciyaaryahan iyo tababare ah, taas oo Mirror ay warinayso in ay dib u dhac ku keentay.

Warbixintu waxay daaha ka qaaday in dukumentiyo dheeri ah loo baahan yahay si loo caddeeyo booqashooyin badan oo Bariga Dhexe ah sannadihii u dambeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, dib u dhac ku yimid dukumeentiyada ayaa ku qasbay 42-sano jirkaan inuu sii joogo Catalonia ilaa Isniinta sida lagu sheegay warbixinta, iyadoo kooxda inteeda kale iyo shaqaalaha ay sii wadayaan bilowga safarka isaga la’aantiisa.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*