Tababaraha kooxda Barcelona Xavi ayaa sheegay in ay albaabadu u furan yihiin in Lionel Messi uu ku soo laabto kooxda reer Catalonia xagaagan.
The 35-year-old’s future is currently the subject of much speculation, as his contract with Paris Saint-Germain is due to expire at the end of June.
Wax yar ka dib markii uu Argentina ka caawiyay ku guuleysiga Koobka Adduunka 2022, Waxa soo baxaya warar sheegaya in ay PSG Wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay xiddiga si ay ugu qanciso in uu sii joogo kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu Lionel Messi uu muuqdo in uu isaga tagi doono kooxda xagaaga marka uu dhoco heshiiskiisa.
Messi ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo ay ka mid tahay Barcelona, Xavi ayaana sheegay in uu Albaabku u furanyahay xiddiga si uu ugu laabto Camp Nou.
“Messi, kani waa gurigiisa, albaabadu waa u furan yihiin, waa saaxiib, xidhiidh joogto ah ayaanu leenahay, soo laabashadiisu isaga ayay ku xidhan tahay,” Xavi ayaa u sheegay suxufiyiinta.
Tababaraha Barcelona ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay hadii ay jirto boos uga furan xiddiga Camp Nou si uu ugu soo laabto.
“Dabcan, waa ciyaaryahanka ugu fiican aduunka, ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda, mar walba boos ayaa uga furan kooxdan”ayuu sii raaciyay.