Home Wararka Ciyaaraha Xavi oo xaqiijiyay in Barcelona ay wadahadalo kula jirto Xidiga Endrick

Xavi oo xaqiijiyay in Barcelona ay wadahadalo kula jirto Xidiga Endrick

0
Ad

Tababaraha kooxda Barcelona Xavi ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay kala xaajoonayso Endrick iyo wakiiladiisa sidii ay suurtogal u noqon lahayd heshiiska weeraryahanka Palmeiras .

16-sano jirkaan ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah da’yarta ugu tayada wanaagsan kubbada cagta adduunka, iyadoo weeraryahanka uu todobo kulan u saftay kooxda koowaad ee Brazil, isagoo dhaliyay seddex gool, islamarkaana gacan ka geystay hal caawin.

Ad

Real Madrid , Chelsea iyo Paris Saint-Germain ayaa loo haystay inay yihiin saddexda kooxood ee ugu cadcad saxiixiisa, laakiin Xavi ayaa haatan shaaca ka qaaday in kooxdiisu ay si adag ugu biirtay saxiixa xiddiga reer Brazil.

“[Waxaan] la hadalnay aabihiis [Endrick] iyo sidoo kale si toos ah ciyaaryahanka, waxaan ku sharaxay mashruuca Barcelona,” Xavi ayaa u sheegay ESPN .

“Waxaan rabnaa ciyaartoy tayo leh, waana mid tayo leh, oo awood u leh inuu isbedel sameeyo, waxa uu leeyahay dhameystir weyn, waa ciyaaryahan feecan oo ka ciyaara horyaalka Brazil. – iyo sidoo kale mustaqbalka.

Previous articleHordhac: Spain Vs Germany ee Koobka Adduunka, Wararka Labada Xul iyo Shaxda Macquulka
Next articleManchester City oo heshiis cusub u soo bandhigtay Bernardo Silva?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here