Home Horyaalka Ingiriiska Xiddig Barcelona ka tirsan oo u muuqday bartilmaameed lama filaan ah ee...

Xiddig Barcelona ka tirsan oo u muuqday bartilmaameed lama filaan ah ee kooxda Chelsea

0

Chelsea iyo kooxda ay xafiiltamaan Premier League ee Liverpool ayaa ‘daba jooga’ kooxda weyn ee La Liga ka dhisan ee Barcelona xidigeeda Alejandro Balde.

Taasi waa warka ka soo baxay Isbaanishka-Sport waxayna sidoo kale bixinayaan faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan xiisaha labada dhinac ee Ingariiska u qabaan 17 jirkaan.

Alejandro wuxuu ka ciyaarayay daafac bidix, markii uu ku soo biirayay kooxda reer Catalan qeybta UEFA Youth League xilli ciyaareedkaan, halkaasoo uu ka soo muuqday afar kulan isla markaana uu gacan ka geysanayo magaciisa.

Isla warbixintaas, waxaa jira kooxo badan oo xiiseynaya daafaca da’da yar ee hibada u leh ‘awoodiisa iyo saadaashiisa’ lama oga, gaar ahaan Premier League.

Marka laga hadlayo Blues iyo kooxda ka dhisan Merseyside, Sport ayaa sheegaysa inay durba la xiriireen laacibka si ay isugu dayaan inay ka soo qaataan kooxda ka dhisan La Liga.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here