Home Warar Ciyaaraha Maanta Xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka imisa ayuu garoomada ka maqnaan doona?

Xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka imisa ayuu garoomada ka maqnaan doona?

0

Xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo kadib dhaawac soo gaadhay.

Saka ayaa la filayaa in uu seego kulamo badan oo muhiim ah kadib dhaawaca soo gaadhay.

Gunners ayaa u baahan in ay hesho xal ay ku buuxiso booska Saka inta uu xiddigu dhaawaca uga maqan yahay.

Wargayska Mirror ayaa soo saaray sida ugu macquulsan ee uu Arteta ku buuxin karo booska Saka.

1.Martinelli oo ku soo laabanaya garabka Midig:

Marka ugu horaysa ma arki doono wax ka baxsan 4-3-3 waxana uu Arteta inta badan adeegsadaa 2 xiddig oo garabka ah iyo weeraryahank.

Dookha ugu cad ayaa ah in uu Gabriel Martinelli ka ciyaaro garabka si uu u buuxiyo booska Saka.

2.Arteta oo isticmaala shaxdii Guardiola:

Gabriel Jesus ayaa ku jira qaab ciyaareed fiican isaga oo 5 gool dhaliyay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Arteta ayaa Jesus ka ciyaarsiin kara garabka weerarka sidii uu Guardiola horay uga ciyaarsiiyay xiddiga reer Brazil.

3.Trossard oo muujinaya awoodiisa ka ciyaarista boosas kala duwan:

Xiddiga Leandro Trossard ayaa ahaa xiddig badbaadiye u ah Arsenal tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda waxana uu Arteta xiddiga ka ciyaarsiin karaa garabka midig.

Trossard ayaa kaliya hal mar ka ciyaaray garabka midig ee Arsenal waxana ay ku badiyeen 4/1.

Leandro Trossard gives Mikel Arteta another option

4.Sterling oo hela fursadiisii:

Xiddiga Raheem Sterling ayaa helaya fursad uu ku ciyaaro kulamada kadib markii uu ku dhibaatooday in uu boos ka helo Arsenal ilaa haatan.

Xiddiga reer England ayaa leh khibrad uu kaga ciyaari karo booskaas maadama uu wax ka badan 178 kulan ka ciyaaray booskaas markii uu joogay Liverpool, Man City iyo chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here