Xiddiga Borussia Dortmund Erling Haaland oo jabiyay rikoorka gooldhalinta ee Champions League

Weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland ayaa noqday ciyaaryahankii ugu dhaqsiyaha badnaa taariikhda ee 15 gool ka dhaliya Champions League .

Xiddiga reer Norway – oo sidoo kale loo magacaabay Wiilka Dahabiga ah ee 2020 – ayaa dhaliyay labo gool ciyaartii Dortmund 3-0 kaga badisay Club Brugge fiidnimadii Talaadada, iyadoo Jadon Sancho uu isna shabaqa soo taabtay.

Inkastoo taasi ay la micno tahay in Haaland uu gool dhaliyo kulan kasta oo Champions League ah kooxda Lucien Favre xilli ciyaareedkan, 20 jirkaan ayaa jabiyey rikoor kale oo ah inuu yahay ciyaaryahanka ugu dhaqsiyaha badan ee dhaliya 15 gool tartamada yurub  kaliya 12 kulan.

Intaa waxaa dheer, weeraryahankii hore ee Red Bull Salzburg ayaa haatan goolal badan ka dhaliyay Champions League marka loo eego halyeeyada kubbadda cagta sida Ronaldo iyo Zinedine Zidane , iyo sidoo kale weeraryahannada haatan caanka ka ah adduunka ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo Roberto Firmino .

Rikoorkii kulamadii ugu yaraa ee gaara 15-ka gool ee Champions League waxaa horey u heystay Roberto Soldado iyo Ruud van Nistelrooy , oo labaduba ku qaatay 19-kulan inay bartilmaameedkaas gaaraan .

Labadii gool ee uu Haaland ka dhaliyay Brugge ayaa ka dhigaysa ilaa 17 gool xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan – iyada oo ninka reer Dortmund uu haddaba laba jibbaar ku jiro xilli ciyaareedkii 2020-21 ee Bundesliga.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*